1. Culimada Galmudug oo bulshada Soomaaliyeed ugu qaabay ka shaqaynta nabad galyada.

0
3

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Culumada Galmudug oo marar badan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay is garab istaagaan, iyadoo loo soo jeediyay in dadka ay ka shaqeeyaan midnimo iyo is-afgarad, si loo xalliyo khilaafaadka iyo dhibaatooyinka dalka ka jira. Culimadu waxay carabka ku adkeeyeen in midnimada iyo isfahamka bulshada ay muhiim tahay si loo gaaro nabad iyo horumar waara.

Baaqyadaasi waxay inta badan ku saleysnaayeen dhiirigelinta wadashaqeynta bulshada, gaar ahaan dadka reer Dhuusamareeb iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo dhaqanka wadajirka iyo ka shaqeynta sidii loo dhisi lahaa dowladnimo adag oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan karaan.

Warkaan waxaa soo jeedinaya :Liban Mohamed Abdi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here