Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Xubno ka socday Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah goobaha loo asteeyey diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee magaalada Dhuusamareeb, xarunta dowlad-goboleedka Galmudug. Kormeerka ayaa ujeeddadiisu aha in lagu hubiyo hannaanka goobaha loo asteeyey diiwaangelinta, tayada adeegyada la siinayo shacabka, iyo in la xaqiijiyo u hoggaansanaanta habraacyada iyo tilmaamaha uu dejiyay Guddiga.
Sacdio abdulkadir ayaa warkan soo jeedinaysa.