Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo ay wehliso Gudoomiyaha Ku xigeenka labaad Faadumo Cabdi Cali, ayaa xariga kajaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug, iyo Sheybaarka Xoolaha,Xarig jarka dhismaha Wasaaradda ayaa sidoo kale waxaa Goobjoog ahaay wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolah, shaqaalaha waaxaha Wasaaradda iyo Marti sharaf kale,Aadan xuseen cige u qalbilsanaha mashrucaan ee wasarada xananada xoolaha JFS ayaa ugu horeyn ka warbixiyay marxaladihii uu soo maray mashrucaan .Dhanka kale wasiirka wasarada xananada xoolaha ee DGG Maxamed Cabdi Maxamed ayaa ugu mahaceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay dhismaha cusub ee wasarada .Ugu danbeyntii Dr Maxamed Nuur Gacal Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Xarig jarka wasaarada, muhiimad gaarana u leedahay furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Sheybaarka Xoolaha, maadaama ay tahay wasaarad ku hawlan ilaalinta iyo xanaanaynta laf-dhabarta dhaqaale ee dalka.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Cabdifitaax Maxamed Axmed