Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor oo magaalada Garowe uga qayb-galaya madasha caleema-saarka madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo dib loo doortay ayaa xafladdaas qudbad uu ka jeediyay waxaa uu kusoo hadal qaaday nabadda gobolka Mudug.
Madaxwayne Qoorqoor ayaa sheegay in labada maamul ay si wada jir ah uga shaqeeyeen horumariinta nabadda gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo isagoo madaxwaynaha puntland uga mahad-celiyay doorka uu maamulkiisu ka qaatay nabad-dhiska gobolka Mudug.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali