Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Qaar ka mid haweenka ku nool magalaada Dhuusamareeb ayaa fursado shaqo ka helaya shirkada Amiira oo ah shirkad ka shaqeysa arrimaha nadaafada magaalda Dhuusamreeb dhawaana maamul magaaldu ku wareejiyey in ay qaadato masuuuliyadda nadiifinta caasimadda
Shirkadan dadka ka shaqeeya waxaa ka mid haweenka kuwaas oo qabta shaqooyinka kala duwan ee nadiifinta deegaanka waxaana ay ka howlgalaan guud ahaan xaafadaha kale duwan ee magaalada Dhusamareeb.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali