Heshiis xabbad joojin ah oo la dhex dhigay Beelo ku adagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug.

0
97
Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Masuuliyiin ka tirsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa ay ku guulaysteen inay si ku meel-gaar ah heshiis u dhex dhigaan beelahan oo ku dagaallamay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Mudug.
Gudigaan oo ka koobnaa Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulada Gobolka, Degmooyinka Gaalkacyo Bandiiradley iyo Goldogob, ayaa waxaa kala hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug Mohamed abdi Adan Gaboobe, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug C/qaadir Shire Warsame wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland.
Masuuliyiinta ayaa kormeer ku maray deegaanadii dirirtu ka dhacday kadibna isugu yimid dhex bartanka goobta labada ciidan isku hor fadhiyaan, waxayna soo saareen qodobadan.
Warkan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here