Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kaga qayb galay Aqalka Madaxtooyada xuska 1-da Luulyo oo ku asteysan 64 guuradii kasoo wareegatay xornimada gobollada Koonfureed iyo Midowga Labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur. Madaxweynaha ayaana jeediyay khudbad dhinac kala duwan taabaneysa.
Xuska munaasabadda 1-da Luuliyo
mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo boqolaal dadweyne ah ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska 1-da Luuliyo oo ah markii ay gobolada koofureed ee dalka ay la xoroobeen gumaystihii Talyaaniga lana midoobeen gobollada woqooyi oo maalmo uga horeeyey xoriyadda.
Liibaan Mohamed Abdi ayaa soo jeedinaya.