25 Wariye oo Tababar Looga Soo Xiray Gaalkacyo.

0
26

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Isku duwaha Wasaaradda Warfaafinta gobolka mudug ee Galmudug, Hanad Cabdi Faarax, ayaa si rasmi ah magaalada Gaalkacyo uga soo xiray tababar diiradda lagu saarayey tabinta xuquuqda aadanaha, xalinta khilaafaadka, iyo dhismaha nabadda.

Tababarkan oo socday muddo maalmood ah, ayaa waxaa ka faa’iideystay 25 wariye oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada gobolka Mudug, kuwaas oo la baray xirfado cusub iyo faham qoto dheer oo ku saabsan doorka saxaafaddu ku leedahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhiirrigelinta nabadda.

Warkaan waxaa soo jeedineysa:Sacdio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here