Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)–Wasiirka Wasaarada Howlaha guud maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ku soo xiray tababar ku saabsan shacriga dhulka dowladda kaasoo socday mudo laba maalmood ah.
Munaasabada lagu soo xiray tababarka ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda howlaha guud ee maamulka koonfur galbeed Soomaliya, ururada bulshada , Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale bulshada.
Warkan waxaa soo jeedinaysa:Sacdiyo Cabdulqadir Yuusuf