Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Gudoomiye ku-Xigeenka kobaad ee Barlamaanka Hirshabeelle siraaji Shiikh Isaaq ayaa magaalada Jowhar ka daah-furay shirka isku xerka degmooyinka Hirshabeelle xoojinta dowladnimada iyo isla xisaabtanka kaasi oo aay soo Agaasintay wasaaradda Arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle.
Shirkaan oo socon doona muda saddex maalin ah ayaa waxaa ka qeeybagalay Wasiirka wasaaradda Arrimaha guddaha maamulka Hirshabeelle Cabdi daahir Guure,Gudoomiye ku-Xigeenadda gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo gudoomiyaasha Degmooyinka maamulka Hirshabeelle.
Abdifatah Mohamed Ahmed ayaa soo jeedinaya.