Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Labaad ee XFS mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa maanta ka qeyb galay xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sanad guuradii 76-aad ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Hal ku dhegga sanadkan ee Xuska ayaa ahaa “Xuquuqdeena, Mustaqbalkeena, Wakhti Xaadirkan” taasi oo diiradda lagu saarayo ahmiyadda ay xuquuqda aadanaha u leedahay nolol maalmeedkeena, si xal loogu helo caqabadaha ku horgudban xuquuqda aadanaha iyo baahida loo qabo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda bulshooyinka.
Warkan waxaa soo jeednaya: Abdulahi Abdulkadir Nor