Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Nuurta Mustaf Mukhtaar, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay kulanka dib-u-eegista dhexe ee qorshaha horumarinta waxbarashada.
Kulankan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu qiimeeyo horumarka laga sameeyay qorshaha waxbarashada dalka, laguna darsado caqabadaha taagan si loo hagaajiyo hirgelinta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee Soomaaliya.
waxaana inoo soo jeedinaya: Cabdullai Cabdulqadir Nuur