Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Benaadir, Mudane Faysal Carraale Afrax, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta NIRA ay ku yeelanayso Degmada Xamar-jajab si dadweynaha ku dhaqan degmada loogu dhaweeyo adeegga diiwaangelinta Aqoonsiga Qaranka.
Munaasabadda Xarig-jarka ayaa waxa sidoo kale ka qayb-galay Guddoomiyaha isboortiga Gobolka Benaadir, Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab, Mudane Ismaaciil Maxamed Xuseen Taliyaha Booliska Degmada Xamar-jajab, Masuuliyiinta NIRA, iyo wakiillo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali