Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabadda lagu maamuusayay Maalinta Haweenka, oo ay soo agaasimeen Ururka Haweenka Gobolka Mudug ee Galmudug, ayaa xalay lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, xubno ka socday ururrada haweenka, aqoonyahanno, iyo gabdho kale. Intii ay socotay, waxaa lagu lafa-guray doorka muhiimka ah ee haweenka ay ku leeyihiin bulshada, waxaana diiradda la saaray sidii loo garab istaagi lahaa haweenka danta yar.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor