Barakacayaasha Baladweyne oo codsaday in carruurtooda dhar ciid loogu iibiyo

0
71

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Qoysaska barakacayaasha ee ku nool kaamka Kumsaar ee magaalada Baladweyne, oo u badan kuwo danyar ah, ayaa wajahaya caqabado nololeed oo adag, taasoo ka dhalatay abaaraha dalka ka dhacay. Qoysaskani waxay dhibaato kala kulmaan nolosha maalinlaha ah, gaar ahaan bixinta baahiyaha aasaasiga ah sida dharka ciida ee caruurtooda.

Qoysaskan ayaa inta badan la tacaamula carruur badan oo ay ku adagtahay in ay ka soo baxaan dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha iyo xaaladaha dhaqaale ee liita. Iyadoo dhibaatooyinka abaaraha ay sii xumeeyeen xaaladda nololeed, caruurta ayaa si gaar ah ugu dhibban xaaladahan, waxaana ku adkaatay qoysaska in ay awoodaan in ay u iibiyaan dharka ciida ee caruurtooda.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here