Wasiir dowlaha wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya la wareegtay agab ciidan oo ay ugu deeqday Dowladda Masar, iyadoo deeqdaasi si gaar ah loogu talagalay ciidanka booliska Soomaaliyeed. Agabka ayaa isugu jira dareesyo ciidan, qalabka isgaarsiinta, gaadiid iyo agab kale oo muhiim u ah shaqada booliska.
Warkaan waxaa soo jeedinayaa: Abdulahi Abdulkadir Nor