Warbixin ku saabsan xuska maalinta caalamiga ah ee kalluunka Tuna-ha 2 May 2025.

0
14

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maalinta Tuna-ha Adduunka waxaa la xusaa sanad walba 2-da May si loo kordhiyo wacyiga caalamiga ah ee ku saabsan muhiimadda ilaalinta kalluunka tuna iyo horumarinta hababka kalluumeysiga waara.

Maalintan caalamiga ah waxaa si rasmi ah u aasaasay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay bishii December 2016, kaddib soo jeedin ay horey u keeneen Xubnaha Heshiiska Nauru (Parties to the Nauru Agreement – PNA) shir ka dhacay 2011-kii ee Guddiga Kalluumeysiga Badweynta Galbeed iyo Dhexe.

Qaraarka waxaa hor keenay dalka Fiji oo ku hadlayay magaca Wadamada Yaryar ee Jasiiradaha Baasifigga (PSIDS), waxaana taageeray in ka badan 50 waddan, taas oo muujinaysa sida caalamku uga go’an tahay ilaalinta kheyraadka tuna.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here