Tartan kubadda cagta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

0
44

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Dhuusamareeb Waxaa lagu soo gabagabeeyay tartanka kubadda cagta ee Horyaalka Heerka Labaad ee kooxaha ka dhisan caasimadda Galmudug, tartan socday muddo bil ah oo loogu talagalay kobcinta isboortiga iyo dhiirrigelinta dhalinyarada. Munaasabadda xiritaanka tartanka waxaa kasoo qeyb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Waxaa ka mid ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Caasimadda Dhuusamareeb, Cabdisamad Salaad (Sanweyne), Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug, Maxamed Xuseen Jaamac (Macruuf) iyo madax kale.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

Tartan kubadda cagta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here