Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDDQ) ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar loo qabtay shaqaalaha ku-meel-gaarka ah ee ka shaqeyn doona howlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha magaalada Dhuusamareeb.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka u qaabilsan howlaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Salaad Yarow, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay shaqada ay qabanayaan xubnahan cusub.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor