Mas’uuliyiin ka tirsan oo Galmudug oo xariga ka jarey xarun Caafimaad deegaanka Olol

0
16

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Galmudug iyo siyaasiyiin deegaanka ah ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xarun caafimaad oo cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Olol. Xaruntan ayaa lagu dhisay dadaal iskaashi ah oo u dhexeeya bulshada deegaanka, maamulka Galmudug, iyo hay’adaha taageeraya horumarinta adeegyada caafimaadka.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka Galmudug, maamulka degmada, odayaal dhaqameed, iyo bulshada deegaanka. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xaruntani ay tahay tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka horumarinta adeegyada caafimaadka ee gobolka, iyaga oo xusay in xaruntu ay dabooli doonto baahida caafimaad ee dadka deegaanka iyo tuulooyinka ku hareeraysan.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here