Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax, ayaa si rasmi ah u daahfuray daraasad cusub oo lagu eegayo doorka aqoonta iyo xirfaduhu ku leeyihiin maalgashiga iyo horumarinta dalka.
Daraasaddan ayaa ujeeddadeedu tahay in la fahmo sida kor u qaadidda heerka aqoonta iyo xirfadaha bulshada ay gacan uga geysan karto horumar dhaqaale, shaqo abuur ballaaran iyo dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor