Haweenka Galmudug oo loogu baaqay in ay ka qaybqaataan doorashooyinka qof iyo cod.

0
6

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Iyadoo guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada kala duwan, ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka qof iyo cod, ayaa haweenka ku nool deegaannada Galmudug loogu baaqay inay door muuqda ka qaataan ka qeybgalka doorashooyinka soo socda.

Baaqan oo ay jeediyeen mas’uuliyiin iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Galmudug, ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay haweenku ku leeyihiin hirgelinta nidaamka doorasho ee dalka, iyada oo la xusay in ka-qaybgalka haweenku uu yahay tiir muhiim u ah xaqiijinta dimuqraadiyadda iyo horumarinta hoggaanka bulshada.

Warkan waxaa soo jeedinaysa:Xamdi Diriye Cali

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here