Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa shir isugu yeeray shirkadaha abuurka dalka iyo jaamacadaha bixiya cilmiga beeraha, si loo dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saarayay sidii xal waara loogu heli lahaa tayada abuurka la isticmaalo, taas oo si toos ah u saameysa wax soo saarka beeralayda Soomaaliyeed.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Abdulahi Abdulkadir Nor