Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi kasocday Hay’adda UNICEF

0
63

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socday hay’adda UNICEF.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda UNICEF ay ka fuliso deegaanada Jubbaland, waxaana sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubbaland Marwo Cadar Cabdullaahi Ismaaciil, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Faarax Mukhtaar Daa’uud iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland.

Warkan waxaa soo jeedinaysa:- Hamdi Dirie Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here