Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Manchester United ayaa barbareyn karta rikoorka FA Cup-ka haddii ay garaacdo Brighton & Hove Albion kulankooda semi-finalka ee Maanta.
Hadii ay kooxda Erik ten Hag guul gaadho waxa ay gaadhi doontaa Final-ka FA Cup- markii 21-aad waxana ay bar-barayn doonaan rikoodhka ay haatan haysato Arsenal.
Ma jirto koox gaartay Semi-final-ka oo ka badan Man United iyaga oo gaadhay 13 sano oo xidhiidh ah intii u dhexaysay 1976 iyo 2007, Red Devils ayaa haatan guuldarro la kulantay seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay heerkan.
Semi-koobkii ugu dambeeyay ee FA Cup-ka waxa ay ka hortimid Chelsea 2020 markaas oo lagu garaacay 3-1, kulamadoodii ugu dambeeyay ee Brighton ayaa sidoo kale wal-wal ku noqon doona Red Devils iyaga oo guuldaro la kulmay 2-dii kulan ee ay la ciyaartay Brighton.
Taasi waxay meesha ka saari kartaa rajadii Man United ee ahayd in ay labada final ee koobabka maxaliga ah isku xilli ciyaareed gaadho markii saddexaad iyo markii ugu horaysay tan iyo 1994 kii.
Brighton waxa ay u baahan doontaa inay sameyso taariikh u gaar ah si ay u gaarto final-ka tartanka Maamada ayna kooxdu wali ku guulaysan kulan ka dhacay Wembley.
Booqashadii ugu dambeysay ee Albion waxay timid semi-finalka FA Cup 2019 markaas oo ay Man City garaacday.