Inter Milan Oo xalay U gudubtay Finalka Champions League

0
70

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa iska xaadirisay finalka Champions League, kaddib markii ay labadii lugood ee finalka 3-0 kusoo garaacday kooxda ay isku magaalada yihiin ee AC Milan oo tamartu ka dhamaatay, isla  markaana awoodi weyday inay xammisho weerarka awooda badan ee Inter.

Lugta labaad ee labada kooxood oo ka dhacday San Siro Stadium oo xisaab ahaan martigelinteeda ay lahayd Inter ayaa waxa lagu kala baxay gool uu qaybtii dambe dhaliyey kabtan Lautaro Martinez oo darbad xooggan qasab ku dhaafiyey goolhaye Maignon oo isaga oo lugta midig iyo gacantaba adeegsanaya joojin kari waayey kubadda.

Waxa kasii horreysay lugtii hore oo Arbacadii toddobaadkii hore ay Inter kusoo garaacday Milan 2-0 ay goolasha u dhaliyeen Edin Dzeko iyo Mkhitaryan, waxaanay sidaas ugu soo gudubtay finalka Champions League.

Inter Milan ayaa waxay finalka lagu qabanayo magaalada Istanbul ku sugaysaa Real Madrid iyo Manchester City oo habeen dambe oo Arbaco ah kala baxaya midkooda soo gudba, iyadoo ay ciyaartoodii hore ee ka dhacday Santiago Bernabeu ay ku dhamaatay barbarro min hal gool ay iska dhaliyeen.

Nerazzurri ayaa u qalmaysay guushan ay ka gaadhay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Milan oo ka wiiqnayd khadka dhexe oo ay Inter kusoo ururisay xiddigo waaweyn oo khibrad badan leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here