Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa iska xaadirisay finalka Champions League oo ay kula ballantay Inter Milan, kaddib markii ay si xun ugu tunteen Real Madrid lugta labaad ee semi-finalka Champions League, taas oo ay ku karbaasheen 4-0, halka lugtii horena ay kusoo kala baxeen 1-1, taas oo wadarta natiijada ka dhigaysa in Manchester City ay kusoo baxday 5-1.
Manchester City ayaa siday doonto ka yeeshay Real Madrid oo u muuqanaysay carruur la keenay garoon oo lala ciyaarsiiyey xiddigo waaweyn, waxaanay awoodi waayeen inay kubadda isku-dhiibaan, is-difaacan amaba weerar qaadaan.
Xiddigaha duqoobay ee Real Madrid ayaa ay da’du kusoo baxday oo ay runtu u itaal-sheegtay, waxaana ugu sii liitay Luka Modric oo illoobay sidii kubadda loo ciyaarayay iyo Karim Benzema oo ku dhax dawakhay difaacyahanno u ciyaaraya sida khadka dhexe oo kale.
Bernardo Silva ayaa laba gool ku dilay qaybtii hore, waxaana goolka koowaad uu ahaa mid qurux badan oo uu kubadda ka helay Kevin De Bruyne, halka midka labaadna uu madax ku celiyey kubbad ay iska soo difaaceen ciyaartoyda Real Madrid.
Erling Haaland ayaa uu nasiibku diiday, waxaana dhawr kubbadood oo halis ahaa ka badbaadiyey goolhaye Thibaut Courtois oo ahaa geesiga garabka waayey ee Real Madrid ee kaliya ka badbaadaya qiimaynta fadeexadda ah ee lagu samayn doono ciyaartoyda kooxdiisa.
Carlo Ancelotti ayaa la filayay in uu isbeddel ku samayn doono kooxdiisa qaybta labaad, laakiin waxay lasoo laabteen isla xiddigihii ku dhibbanaa garoonka 45kii daqiiqadood ee hore.
Beddelkii ugu horreeyey ayaa noqday Luka Modric oo baxay isaga oo ka tuugaya tababarihiisa in sharaftiisa la badbaadiyo oo garoonka laga saaro,