Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Abdullahi xaaji xasan ayaa Baydhabo ku soo xiray Shirka Guddoomiyasha Degmooyinka Iyo Gobolada Koonfur Galbeed oo looga arrinsanayey maamul daadejinta, adkaynta xiriirka Guddoomiyasha Degmooyinka Iyo Gobolada Koonfur Galbeed, xooginta amaanka iyo wadashaqeyta maamulada
Shirkan soo socday muddo lix maalin ah ayaa gabagabadiisa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah gudoomiyaasha Gobolada oo uu ugu horeyo Ibraahim Cali najax Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose iyo Alfatah mohamed ibraahim diyaano gudoomiyaha gobolka Bay.
Warkan waxaa soo jeedinaya:- Hamdi Dirie Ali