Bayern Munich oo Markii 11-aad oo Xidhiidh Ah Ku Guulaystay Horyaalka Jarmal-ka.

0
52

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Bayern Munich ayaa ku guuleysatay horyaalka Jarmalka markii 11-aad oo xidhiidh ah iyo markii 33-aad ee taariikhdooda kadib markii ay garaaceen kooxda Cologne.

Bayern ayaa ka faa’iidaystay bar-baro 2/2 ah oo ay Borussia Dortmund la gashay kooxda Mainz Kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka Bundesliga.

Wareegii ugu dambeeyay ayaa laga dheehan karay xamaasad weyn, maadaama dhammaan kulamada la ciyaaray isku mar, si aan loo ogolaan in natiijada kooxaha kale.

Dortmund ayaa u baahnayd kaliya in ay ka badiso kooxda Mainz si ay ugu guulaysato horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Laakiin Koxoda ayaa ku fashilantay in ay hesho 3-dii dhibcood ee ugu muhiimsanayn xilli ciyaareedkooda xilli ay ku ciyaarayeen garoonka kooxda Signal Iduna Park.

Jamaahiirta Borussia Dortmund ayaa in ka badan hal jeer dareemay dareen xun intii ay socotay ciyaartii Mainz sabab la xidhiidha in kooxdooda looga hor maray 2 gool oo deg-deg ah xilli ay iska khasaariyeen rikoodhe.

Dhinaca kale Bayern Munich ayaa qaybtii hore 1/0 ku dhamaysatay ciyaarta xilli ay daqiiqadii 8-aadba dhaliyeen goolka furitaanka.

Xamaasadda ayaa si aan horay loo arag ugu soo korodhay garoomada Jarmalka intii lagu jiray qeybta labaad ee ciyaarta, iyadoo Borussia Dortmund dhalisay gool ay ciyaarta ugu soo laabatay daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta waxnaa u dhaliyay xiddiga Rafael Guerrero.

Kooxda Bayern ayaa daqiiqadii 81-aad laga dhaliyay goolka bar-baraha laakiin xiddiga Jamal Musiala ayaa daqiiqadii 90-aad dhaliyay goolka guusha ee kooxdiisa.

Borussia Dortmund ayaa daqiiqadii ugu dambeysay ee dhamaadka ciyaarta u suuragashay inay la timaado goolka barbaraha, waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Niklas Sole.

Dortmund ayaa u baahnayd kaliya hal gool oo kale si ay ugu guulaysato horyaalka laakiin kooxda Mainz ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Bayern Munich farqiga goolasha ku qaaday horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii 11-aad oo xidhiidh ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here