Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Tartanka Kubada Cagta degmooyinka Galmudug ayaa shalay si rasmi ah uga furmay degamda Cadaado oo sanadkaan martigalinaysa tartanka ku badda cagta ee degmooyinka Galmudug 2022/2023.
Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Mudane Ali Daahir Eid aya furay ciyaaaraha degmooyinka waxaana goob joog ahaa garoonka madax katirsan labada golle ee Dowladda Galmudug.
Ciyaarta furitaanka ayaa dhex martay marti galiyaasha tartanka sanadkan ee Cadaado iyo Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb waxaana guul tartanka ku furftay xidigaha matalay magaalada Dhuusamareeb.
Ciyaarta oo marba dhinac hugaanka uu qabanayay ayaa waxaa Goolka 1-aad dhaliyay xidigaha matalayey Dhuusamareeb waxaana ciyaarta hugaanka u qabtay Dhuusamareeb, xidigaha Cadaado ayaa bilaabay sidii ay ciyaarta dib ugu soo laaban lahayeen waxana ay layimadeen daqiiqado kadib Gool bareeja ah waxaana sidookale ay qabteen xidigaha cadaado hugaanka Ciyaara oo ay kadhigeen Cadaado 2 VS Dhuusamareeb 1 waxana sidaas lagu kala maray nasiinada ciyaarta.
Dib marki leyskugu soo laabtay ayaa xidigaha Dhuusamareeb bilabeen sidi ay ciyaarta dib ugu soo laaban lahayeen halka xidigaha Cadaado maskaxada ku hayeen in ciyaarta dilaan.
Dhamaadki ciyaarta ayaa Xidigaha Dhuusamareeb layimadeen laba Goal oo deg deg ah taas oo natiijada dhanka kale u badashay.
Natiijada kulanka shalay
Cadaado 2 Vs Dhuusamareeb 3
Kulamada Galabta
Gaalkacyo VS Cabudwaaq
Guriceel VS Baxdo.