Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Dood Cilmiyeedkan oo looga hadlayay doorka waxbarashadu ka qaadan karto horumarinta nabadda oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb waxaa soo qaban qabaisay xarunta aragti wadaagga Horn Center. Dooddan waxaa ka qayb-galayay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed Maxamud Elmi ”Tuur-bire”, Prof. Axmad Salaad Kulmiye oo kamid ah aqoonyahanna Dhuusamareeb ku nool iyo Saynab Axmad Faarax oo ka tirsan Ururrada Bulshada Rayid Galmudug.
Martida doodda ayaa waxaa ay si faahfaahsan u lafa gureen mowduuca waxaana ay sheegeen iyo aqoonta iyo waxbarashadu yihiin tiirar muhiim u ah wacyiga bulshad si nabadda looga shaqeeyo.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya:- Abdidahir Garad Ali