Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ka daah furay dhismaha cusub ee wasaaradda waxbarashada Galmudug oo ka kooban dhisme labo dabaq oo si casri ah looqalabeeyay.
xarig jarka xarunta wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa kasooqayb galay masuuliyiin ka kala socotay dowladda Soomaaliya iyo golayaasha maamulka Galmudug sida xildhibaanada iyo wasiirada maamulka waxaa kaloo kasoo qayb-galay agaasimeyaasha wasaaradaha Galmudug qaarkood.
Dhismaha xarumahaan oo ay maalgalisay santuuqa JPE ayaa waxaa iska kaashaday wasaarada waxbarashada iyo hay.ada save children.
Warkan waxaa soo jeedinaya:- Liban Mohamed Abdi