Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kooxda Saudi Pro League ee Al-Hilal ayaa lagu soo waramayaa inay soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar xagaagan, iyadoo ay socdaan wadahadalo u dhaxeeya labada dhinac.
31-sano jirkaan ayaa noqon kara xiddigii ugu dambeeyay ee PSG ee ka tagaya kooxda, iyadoo Lionel Messi uu ka tagayo Parc de Princes isaga oo ku biiray kooxda Inter Miami.
Isagoo kaga soo biiray Barcelona sannadkii 2017 lacag rikoorka adduunka ah, xiddiga reer Brazil wuxuu kula guuleystay shan horyaal oo Ligue 1 ah Parisians laakiin ma uusan awoodin inuu ka caawiyo inay ku guuleystaan Champions League.
Sida laga soo xigtay Mirror, Al-Hilal ayaa ugaarsi ugu jira adeega Neymar xagaagan, iyadoo kooxda Premier League ee Chelsea ay sidoo kale xiiseyneyso saxiixa kubadsameeyaha.
Waxaa la rumeysan yahay in wafdi ka socda Sacuudiga ay u duuleen Paris jimcihii si ay wadahadalo hordhac ah uga yeeshaan xiddiga reer Brazil.
Wararka ayaa sheegaya in uu Neymar heli doono lacag dhan 170 milyan oo euro sanadkii hadii uu ku biiro kooxda Al-Hilal.