Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii Caadiga ahaa, uuna Shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal.
Kulankii Maanta ayaa Ajandihiisu ahaa Doodda iyo Ansixinta Wax-ka beddelka Dastuurka Galmudug. Iyo Ansixinta Qaraarka Xukuumadda ee Degmeynta Degmooyinka Cusub ee Galmudug.
Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ayaa lagu Ansixiyey Degmeynta Degmooyinka Bandiiradley, Dhabad iyo Galinsoor, kadib markii ay buuxiyeen Shuruudihii Degmanimo, Soona mareen Habraacii Shuruudaha Degmanimo iyaga oo ka mid noqdaan Degmooyinka Dawlad Gobaleedka Galmudug.
Warkan waxaa soo jeedianysa:- Hamdi Dirie Ali