Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo bulshada degmada Xeraale kala hadlay dhismaha golaha deegaanka.

0
61

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug mudane Cumar Maxamad Diriye ayaa kaqeyb galaay kulan looga hadlayey dhismaha golaha degaanka degmada Xeraale ee waqooyiga gobolkan Galgaduud.
ugu horeyn gudoomiyaha Xeraale Bashir Dahir yusuf ayaa sheegay in maamulka iyo bulshada xeraale diyaar u yihiin iney fududeeyaan dhismaha golaha degaanka degmadaas.
qaar kamida waxgaradka xeraale oo madasha kahadlay ayaa balan qaday kaqeeyb qadashada dhismaha golaha degaanka.
ugu danbeyn Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha Galmudu Omar Mohamed Diriye ayaa kahadlay muhiimada bulshada u leedahay helida maamul gole degaan doorteen.
wasaaradda arimaha gudaha Galmudug ayaa bilihihi ugu danbeysay waday dadaalo gole degaan lugu dhisayo Degmada Xeraale oo kamida degmooyinka cusub ee dhawaan kubiray degmooyinka Galmudug.

waxaa soo jeedinaya:-Abdulahi Abdulkadir Nor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here