Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Gobolka Galgaduud waxa uu kamidyahay gobollada inta badan ay kadhacaan isku dhacyda dhexmaraa dadka walaalaha ah ee wada daga degmooyinkiisa kala duwan.Cilmi Cali Cabdi gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo lahadlay Radio Daar-dheer ayaa sheegay in maamulkiisu uu ahmiyad gaara sii doono dib uheshiisiinta dadka walaalha ee wada daga degmooyinka Gobolka Galgaduud si loo helo deegaan xasiloon,waxaana uu sigaara usheegay in marka kowaad kashaqaynayaan dib uheshiisiin ladhexdhigo dadka inta badan isku dhacydu kudhexmaraan deegaanada hoosdhaca degmada Balanbal iyo deegaanka Galinsoor.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Bashir Mohamed Salad.