Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)–Faiza Lamary waa hooyada dhashay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, waana wakiilkiisa sida adag uga shaqaynaysa mustaqbalkiisa iyo wda-xaajoodyada lagu go’aaminayo naadiga uu tegayo, kaddib markii uu shaaciyey in aanu PSG u ciyaari doonin wax ka badan 12 bilood.
Waxa ay hooyada Kylian Mbappe kala xaajoonayo PSG iyo mulkiilaheeda Nasser Al-Khelaifi, waxa ku xidhan shuruud adag oo ay tahay in ay ogolaadaan, si aanu laacibkani uga tegin heshiis xor ah oo aanay lacag ka helin xagaaga dambe.
Real Madrid ayaa kursi gaaban ugu fadhida oo sugaysa Kylian Mbappe oo hore u caddeeyey in riyadiisu ay tahay inuu tago Santiago Bernabeu, halka Florentino Perez ay horeba u wada-hadleen oo uu ka raalligeliyey ballantii uu oofin waayey xagaagii hore ee uu heshiiska u kordhiyey PSG.
PSG ma doonayso in Mbappe uu si bilaash ah kaga tago, sababtoo ah waxa haddii ay iibiyaan ay ku helayaan lacag dhawr ciyaartoy oo kale u goysa.
Markii uu heshiiska u saxeexay bishii May ee sannadkii hore, waxay PSG siisay Mbappe lacag gaadhaysay 90 milyan oo Euro oo ah xaqal-qalin maadaama uu xor ka noqonayay, waxaana uu ula macaamilay sidii ciyaartoy cusub oo ay tahay inay bixiyaan lacagtii ay ku iibsan lahaayeen iyo mushaharkiisa oo sannadkii ahaa 60 milyan oo Euro, taas oo wadarta uu sannadkii ugu dambeeyey ka qaatay ka dhigaysa 150 milyan oo Euro.
Faiza Lamary waxay PSG ku wargelisay, in wiilkeedu uu kaliya ka tegayo xagaagan haddii uu helayo lacag ka badan intii uu iyaga ka qaadan jiray, taas oo an la hubin in ay Real Madrid bixin doonto, sababtoo ah PSG ayaa waxay iibkiisa ku xidhay 200 mlyan oo Euro oo kaash ah iyo 50 milyan oo kale oo ay Real Madrid bixin doonto haddii uu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or inta uu joogo Real Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, shuruudda ah in kaliya uu Mbappe ka tegayo PSG haddii aanay is-dhimaynin lacagta uu hadda qaato, ayaa ah mid adag, sababtoo ah ciyaartoyga ayaa iska leh go’aanka ah inuu ogolaado in ay kooxdu iibiso iyo inuu iska diido oo uu sii joogo Parc des Princes illaa inta uu qandaraaskiisu dhamaanayo.