Harry Kane oo kahadlay kooxda mustaqbalkisa Xagaagan.

0
76

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)–Mustaqbalka weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaan wali dhinacna u dhicin iyadoo qandaraaskiisa Tottenham ay ka hadhsan yihiin 12 bilood oo kaliya, taas oo Spurs ku riixaysa inay iibiso si aanu qaab xor ah ugaga tegin sannad kaddib.

 Kooxo badan oo reer Yurub ah oo intooda badan horyaalka Premier League ah ayaa lala xidhiidhinayaa Harry Kane, waxaana ka mid ah Manchester United iyo Chelsea, hase yeeshee Real Madrid ayaa iyaduna carrabka ku badnayd, halka ay isku dayayso inay ka dhigato beddelka Kylian Mbappe.

Wariyaha ciyaaraha ee Crhistian Falk oo xogta suuqa u qaabilsan wargeyska The Bild ee kasoo baxa waddanka Germany ayaa helay xogtii u dambaysay ee Harry Kane iyo kooxda ugu dhow ee uu tegi karayo.

Falk ayaa waxa uu sheegay, in Harry Kane uu toddobaadyadii ugu dambeeyey xidhiidh joogto ah la lahaa kooxda Bayern Munich oo iyaduna ku jirtay naadiyada raadinaya weeraryahannada, iyaga oo illaa hadda aan helin ciyaartoygii u buuxin lahaa booskii uu banneeyey Robert Lewandowski oo xagaagii hore uga  wareegay Barcelona.

  Warka ayaa intaa ku daray, in Bayern Munich iyo Harry Kane ay mabda’ ahaan isku waafaqsan yihiin in ay heshiis gaadhaan oo uu xagaagan ka dego Allianz Arena, waxaana uu kabtanka xulka England arrintan kala tashanayaa qoyskiisa oo ay isla eegi doonaan qaabka ay ugu noolaan karayaan magaalada Munich.

Daniel Levy oo ah Madaxweynaha Tottenham ayaa qiimaha iibka Kane u go’aamiyey £100 mlyan oo Gini, waxaanay taasi keentay in kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ay dib uga istaagaan maadaama ay da’diisu weynaatay oo uu 30 jir noqon doono bilo kaddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here