Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Mohamed Abdala Jiirow gudoomiyaha degmada Baxdo ayaa kulan looga hadlayo hormarinta adeegyada bulshada laqaatay maamulka iyo bulshada degaanka Cadakibir oo hostaga degmada Baxdo.
Ugu horeyn maamulka iyo bulshada cadakibir ayaa kahadlay baahiyaha dhanka adeega bulshada ee kajira degaanka Cadakibir..
Gudoomiyaha Baxdo mohamed abdala jirow ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan wax kaqabanayaan horomarinta adeegyada bulshada degaanka waxana sidookale bulshada ugu baaqay in maamulka lashaqeyaan..
Degmada Baxdo ayaa kamida degmooyinka Cusub ee Galmudug waxana maamulka degmadaas wadaan kulamo ay laqadanayaan bulshada deeganada hoostaga degmadaas.
Warkan waxaa soo jeedinaya:- Abdulahi Abdulkadir Nor