Madaxweynaha Iiraan oo Kenya ka billaabay safar uu ku tagayo 3 Dal oo Afrika ah.

0
115

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan Ebrahim Raisi oo safar ku maraya Qaaradda Afrika ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo isla maanta kula kulmay dhiggiisa William Ruto.

Labada Madaxweyne ee Iiraan iyo Kenya ayaa ugu horreyn isku soo hadal qaaday xiriir salkiisu yahay Siyaasadda & Dhaqaalaha ku kala saxiixday Madaxtooyada Dalka Kenya kaddib waxa ay jeediyeen khudbad ay labada dhinac weliba ku muujiyeen baahida dhanba dhanka kale uu u qabo.

Madaxweynaha Iiraan ayaa ku dheeraaday sida dalkiisa uu u daneynayo xiriirka Waddankaan dhaca Bariga Afrika, iyada oo socdaalkaan ka dhigeyso in 11 sano kaddib Madaxweyne Iiraan ah uu ku tago Qaaraddaan.

Qorshaha Madaxweynaha Iiraan ee socdaalkiisa Qaaradda Afrika ma ahan mid ku siman Jamhuuriyadda Kenya balse waxa uu lugta sii marin doonnaa Dalalka kale ee isla qaaraddaan dhaca sida Uganda & Zimbabwe.

Madaxtooyada Tehran ayaa sheegtay in xiriirka Madaxweyne Raisi uu muujinayo sida ay Iiraan u dooneyso in Afrika ay la wadaagto labada qodob ee muhiimka ah kuwaas oo kala ah: Arrimaha Siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Waxaa safarka Madaxweynaha Iiraan ee Afrika loo arkaa in uu yahay mid uu ku doonayo ballaarinta dhinacyada taageeraya Dalkaan culeyska iyo cadaadiska kala kulmaya Mareykanka & dhowr waddan oo kale oo colaadinaya.

Afrika waa qaarad u furan loolanka Waddamada Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Iiraan, Carabta iyo dalalka kale ee reer Yurub oo midba midka kale doonaya in uu ka riixdo waddamada ugu firfircoon Qaaraddaan si uu ula sameysto xiriir wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here