Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Horyaalka Premier League ayaa lagu qasbay in ay dib u dhigaan kulamo qorshaysnaa usbuuca labaad ee bisha August ee uu bilaabmayo xilli-ciyaareedka 2023/24, waxaanay taageereyaasha Luton Town oo ay kooxdoodu dib ugu soo laabatay horyaalka ay sugi doonaan in ay arkaan kooxdooda oo Kenilworth Road ku cyaaraysa illaa bisha September.
Maamulka Premier League ayaa xaqiijiyey in ay dib u dhigeen kulamo horyaalka ah oo qorshaynaa usbuuca labaad, gaar ahaan ciyaarta kooxda reer Bendfordshire ee Luton Town ay martigelin lahayd Burnley marka ay taariikhdu tahay August 19.
Luton ayaa la sheegay inuu u socdo dibu-dhis ay ku samayanaan garoonkooda yar oo ay ku bixinayaan £10 milyan oo Gini, si ay u waafajiyan shuruudaha iyo heerka tayada ee Premier League u dhigay garoomada kubadda cagta horyaalka Premier League.
Kooxdan oo wareeggii isreeb-reebka kaga soo adkaatay Coventry City ayaa waxa Premier League uu sheegay in ciyaarteedii Burnley ee maalinta Sabtida ee 19 August dib loogu dhigay sabab la xidhiidha shaqada ka socota garoonka Kenilworth Road.
Warkan ayaa waxa uu niyad-jab weyn ku yahay taageereyaasha kooxda Luton oo kulamadii ay ku ciyaari lahaayeen garoonkooda loo weecin doono Turf Moor, balse halkaasna lagu ciyaarayo maalinta ay la ballansan yihiin Burnley.
Waxa kale oo ay Luton ka maqnaan doontaa garoonkeeda kulamada Brighton & Chelsea oo ay marti noqon doonto, balse maalinta Jimcaha ee September 1 ayay kulankooda koowaad ku dheeli doonaan garoonkooda Kenilworth Road oo ay martigelin doonaan West Ham.
Premier League ayaa waxa uu sidoo kale warqad u diray Manchester City oo uu u sheegay, in ciyaarta ay la ballansan yihiin Brentford ee December 23 dib loo dhigay, maadaama ay Manchester City u safrayso waddanka Sucuudiga oo ay kusoo ciyaari doonto tartanka naadiyada dunida ee Fifa Club World cup Final.