Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle oo dhagax dhigay Waddo isku xirta Ceel baraf iyo Aadan yabaal.

0
43

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay dib u dhis lagu sameynayo wadada isku xirta deegaanka Ceelbaraf iyo Degmada Aadan-yabaal oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka u kala goosha gobolada Hiiraan, Shabeelaha dhaxe iyo Banaadir.

Maamulada degmooyinka Jalalaqsi, Ceel Baraf, Aadan Yabaal, xildhibaan ka tirsan baarlamanka Hirshabeelle iyo ganacasto ayaa goob joog ka ahaa daah furka dib u dhiskan lagu sameynayo wada isku xirta Ceel baraf iyo Aadan Yabaal.

Warkan waxaa soo jeedineysa:-Sadio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here