Maamulka Iyo Bulshada Degaanka Jeexdin ee gobolka mudug oo cabasho ka Muujiyay Biyo La’aan ka taagan degaankaasi

0
64

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maamulka iyo bulshada degaanka Jeexdin ee gobolka mudug ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in degaanka ka jirto xalaadd adag oo dhanka nolosha ah taas oo ay sababtay biyo la’aan degaanka kajirta.

Ceel biyood dowlad goboleedka Galmudug, iyo Hay’adaha sama falka ay degaanka ka hir galiyeen ayey dadka degaan ku sheegen in uu soo saaray biyo cusbo ah  oo dadka iyo duunyada midna isticmaali Karin.

Maamulka iyo bulshada degaanka Jeexdin ayaa Dowlada Galmudug, qurba joogta degaanka iyo Hay’addaha samafalka ka cod sadden in degaanka la soo garaan mashiino lagu sifeeyo biyaha ceelka oo cusbo ah.

Warkan waxaa soo jeedinaya:-Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here