Dhismaha suuq laga hirgaliyay Dhuusamareeb oo xarigga laga jaray.

0
46

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarigga ka jaray dhismaha suuqa Bacadlaha caasimadda Dowladda Galmudug oo loo dhisay qaab casri ah.

Suuqan ayaa waxaa horey ugu ganacsan jiray 30 ganacsata ah waxaa hada lagu wadaa in ku ganacsadaan in kabadan 150 ganacasatada Dhuusamareeb sida uu sheegay gudoomiyaha caasimada Abdirahman Ali Mohamed Geeda Qorow oo kahadlay xarig jarka suuqa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay muhiimadda ay bulshada caasimadda u leedahay in helaan dhismayaal casri ah oo ay ku ganacsadaan si ay u kobciyaan dhaqaalahooda, sidoo kalana aysan dowladdu kaliya xil iska saarin dhismaha hay’adaha Dowladda balse ay muhiimad siisay kobcinta dhaqaalaha dadweynaha.

Warkan waxaa soo jeedinaya:- Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here