Taliska Booliiska gobolka Galguduud oo war kasoo saaray 5 caruur ah oo aano qabiil loo dilay.

0
49

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Taliska qaybta Booliiska gobolka Galguduud ayaa warbixin kasoo saaray caruur shan ah oo dhowaan lagu laayay deegaan hoos taga degmada Dhabbada ee gobolka Galguduud. Taliyaha qaybta Booliiska Galguduud Qalbi Axmad Cali oo warbaahinta la hadlaya ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyay dilka caruurtan loo gaystay isagoo sidoo kale talisyada Booliiska Degmooyinka gobolka Galguduud qaarkood ku amray inay ka howlgalaan soo qabashada raggii falkaas gaystay.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya:- Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here