Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)- Cabdiqaadir Cali Shirdoon oo kamid ah mulkiilayaasha shirkadda korontada ee Caabudwaaq Electric Company (CECO) ayaa wax laga xumaado kutilmaamay hadal shalay ka soo yeerey maamulka degmadda oo sheegay in shirkaddaha korontada ay u midoobeen in ay damiyaan layrka magaalada.
Cabdiqaadir ayaa sheegay in shirkadda aysan quseyn in waddo kasta oo magaalada ah layr ay kuxiraan taasina ay quseyso ayuu yiri maamulka degmadda sida uu sheegay, Waxaana uu xusey in shirkaddu ay tahay mid gaar loo lee yahay oo aysan dowlad iyo maamul midkoodna aysan lahayn.
Cabdiqaadir Cali Shirdoon ayaa sheegay in shirkaddu ay diyaar u tahay wax walba oo taburucaad ah balse maamulku uusan masuuliyadii isaga saarneed shirkadda dusha uusaarin.
Warkan waxaa soo jeedinaya:- Liban Mohamed Abdi