Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Masuuliyiin katirsan wasaarada owqaafta iyo arrimaha diinta xkfs iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa kormeer shaqo kutagay isbitaalka dhimirka ee dhaqtar xabeeb ee magaalada Muqdisho xubnaha gudiga ee kormeerka shaqo kutagay isbitaalka dhimirka ee Dr xabeeb ayaa waxaa kamida shiikh cali maxamuud agaasimaha waaxda arimaha diinta ee wasaarada owqaafta iyo arrimaha diinta soomaaliya shiikh cabdulaahi axmed galuul agaasimaha waaxda diinta ee maamulka gobolka Banaadir masuuliyiintaan ayaa waxa ay kormeereen qaybaha kala duwan ee isbitaalka waxayna soo.arkayeen xaaladaha dhabtaa ee kajira isbitaalka dhimirka Dr xabeeb
Masuuliyiinta ayaa markay kormeerkooda soodhamaysteen waxa ay la hadleen warbaahinta iyagoona ka war bixiyay wax yaabihii ay soo mareen.
Warkan waxaa soo jeedinaya:- Liban Mohamed Abdi