Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kaqayb galay munaasabad tababar loogu sooxiraayay Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga

0
77

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana tababarka uu ugu soo xirey Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TurkSom ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in Xukuumadiisa DanQaran ay ka go’an tahay dib-u-dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareegga sugidda amniga dalka, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kaalintooda ka qaataan sugidda amniga iyo la shaqeynta ciidanka.

Warkan waxaa soo jeedinaya:- Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here