Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Telefishinka Qaranka Morocco ayaa sheegay inay korodhay Tirada dadkii ku dhintay Dhul-gariirkii xalay ka dhacay dalkaasi.
Dhul-gariirkaasi oo Halbeegiisu ahaa 6.8 Richter Scale ayaa la xaqiijiyey inay ugu yaraan 630 qof ku dhinteen, halka in ka badan 320 ay ku dhaawacmeen oo 51 ka mid ah ay Xaalladooda aad u liidato.
Xuddunta Dhul-gariirka ayaa ahaa Buuraleyda Atlas Mountains oo 75 KM u jirta magaalladda Maraakish oo ah magaallada 4-aad ee ugu weyn dalkaasi.
Telefishinada Maxaliga ee dalkaasi ayaa soo bandhigay Sawirada Dhismayaal badan oo ku burburay Dhul-gariirkaasi ku dhuftay magaalladda Maraakish.
Masjid ku yaalla magaalladdaasi ayaa waxa uu soo gaaray burbur, iyadoo Minaarad Masjidka ku dul dhacday Gaadiid ku burburay Dhul-gariirka.