Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa magaalada Galkacyo uga qeyb galay munaasabad ay ku qalin jabinayeen ku dhawaad 90 arday kuwaas oo dhameystay waxbarashada heerka koowaad ee jaamacada GUI ee magaalada Gaalkacyo Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Galmudug, macalimin waalidiinta ardayda iyo marti sharaf kal3 Waxaana ardaydan noqonayaan dufcaddii 9 aad ka baxda jamacada mudadii ay ka shaqeynayse degmada Gaalkacyo .
Warkan waxaa soo jeedinaysa:Hamdi Diriye Ali